From Wikipedia, the free encyclopedia

Taariikhda Beesha Ciroole | Taariikhda Ciroole

Iroole

Waa Qabiil ka mid ah qabaa'ilka Soomaaliyeed ee dega gobalada koonfureed ee dalka, waxa uuna ka mid yahay beelaha la isku yiraahdo Digil.

Abtiriska Ciroole Ciroole waxa uu abtirkiisa galaa mid ka mid sagaalka ilma Samaale gaar ahaan odayga la yiraahdo Maqarre samaale oo ay ka soo farcameen Ciroole ( maxamed weyne ) iyo Dabarre ( maxamed yare). Waxa aan helnay abtiriska qabiilka ilaa odayga samaale taas oo aan ka helnay odayaasha waaya jooga ee Ciroole waxa uuna yahay sida soo socoto:- Ciroole Maataay Dhurre Cali Diinle Cabdi Cumar Dige Maxamed Maqarre samaale. Ciroole waxa ay dhalasha wadaagaan beesha Dabarre, waxaan loo yaqaan Reer Aaw Maataay dhurre, halka ay garre isku hooyo yihiin. Ciroole waxa uu ka kooban yahay 16 lafood oo u sii Kala baxaa Laba oo kala ah Raandiid weyne iyo Raandiid yare, Raandiid weyne ayaa u sii kala baxa laba reer Dalle iyo usurre. Dalluhu waa shan laf waxaan loo yaqaan afarta dalle iyo culimadooda oo kala ah:- 1. Mulmule

2. Geelidde 3. Daafdameed 4. Murtigaale 5. Reer humun waana culimadooda

Usurruhu waa shan laf waxaan loo yaqaan Afarta Usurre iyo culimadooda oo kala ah 

1. Warasle 2. Gaal dhufle 3. Aawjaleen 4. Garwaale 5. Reer miixe waana culimadooda Raandiid yare( bahaale ) isagana waxa uu u Kala baxaa 6 lafood oo kala ah 1.Dhehle 2. Mariid 3. Umar cabdi 4. Awal yare 5.Hiilkaay 6.ungooy muuse waana Culimadooda . Ciroole waxa uu ka mid yahay beelaha Digil kamana mid aha faraca odayga Digil diinsame kaas oo ay ka soo farcameen afarta wiil ee loo soo gaabiyo "MUCAJABO", Sababta uu Ciroole uu uga mid yahay beelaha digil ayaa ah in ay deegaan wadaag yihiin reer Aaw digil Oo si la mid Ciroole beela kale oo ilma samaale ah ayaa ka mid ah beel weynta digil. Deegaanka iyo Luqadda Qabiilka Ciroole( Iroole) waxa ay dagaan afar gobal oo ka mid ah gobalada koonfureed ee dalka oo kala ah:Sh/ hoose, gobalka Baay, j/hoose iyo j/ dhexe. Balse deegaanada ay caanka ku yihiin ama ay ku badan yihiin ayaa waxaa ka mid ah :- Degmada sablaale, deegaanka weynaha Haawaay, Caana waay, Cadiley, Hilow kaaley, iyo tuulooyin kale oo dhamaantooda ka tirsan G/Shabeelada hoose, sidoo kale waxa ay deegaan Degmada Baraawe. Dhanka gobalka Baay Waxa ay ka degaan degmada Diinsoor gaar ahaan Deegaanka yaaq baraawaay iyo tuulooyin hoos taga, waana deegaan ku caan baxay ganacsiga, waxaana si gaar u daga lafaha kala ah Mulmule, warasle iyo geelidde. Dhanka jubbooyinka waxa ay degaan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyo magaalada caasimadda ee kismaanyo. Waxaana dhanka jubbooyinka ku badan reer bahaale . Waxaa jira qeyb ka mid ah Qabiilka Ciroole oo dega dalka keenya Kuwaas dalka ka hayaamay ka dib burburkii dowladdii soomaaliya 1991. Dhinaca kale waxa jira xogo si hordhac ah loo helay kuwaas oo sheegaayo in Qabiilka Randiile ee dega gobalka Marsibit/ keenya ay yihiin dad asalkooda ka soo farcamay qabiilka Ciroole. Waxaa jira qabiilo ay deris ku yihiin deegaankaa oo ay soohdin wadaag yihiin sida beelaha jiido, tunni iyo Dabarre. Luqadda: Qabiilka Ciroole waxa ay ku hadlaan lahjad u gaar ah iyaga iyo qabiilka Dabarre oo loo yaqaan Af( Ciroole ama af Dabarre) sidoo kale waxaa loo yaqaan Af MEEMEE. Waa lahjad af guri ah wayna ka duwan tahay lahjadda maayga iyo maxaatiriga labadaba, balse xagga dhawaaqa ereyda qaar waxa ay u dhowdahay maxaatiriga. Qaabka Nolosha Ciroole. Ciroole waa dad xoolo dhaqato beeraley ah, waxayna dhaqdaan lo'da iyo ariga halka qaar yar iga ka mid ah ay dhaqdaan geela. Sidoo kale waa dad tabcada dalagyada kala duwan ee beeraha. Waxay leeyihiin hab maamul la mid midka soomaalida ugaas guud iyo ugaasyo kaga wakiil ah deegaano iyo magaalooyin gaar ah. Waxaa jira shakhsiyaad caan ah oo baal dahab ah ka galay taariikhda beesha sida:- Aa xasanow xaaji kuuse, Siidow xasanow barre, Cabdullaahi xaaji Ibrow iyo Jeylaani maxamed cukaash oo dhamaantooda ugaasya ahaa waqtiyo kala duwan. Sidoo kale Shakhsiyaadka caanka waxaa ka mid ah hassen guure Oo ahaa shakhsi u dhadhaqaaqa arimaha masaalixda caamka ah. Sh.maxamed cali yare oo ahaa caalimkii hogaaminayay dariiqada zeyliciyah, sidoo kale waxaa jira shakhsiyaad taariikhda beesha baal muhiim kaga qoran laakiin halkaan laguma soo koobi karo. Qabiilada deriska la ah waxaa ka mid ah jiido Dabarre iyo tunni, Ciroole waa bulsho nabadeed kuna caan baxday Nabad iyo deris wanaag. [ [1]] [1]

Iroole

  1. ^ Salad qalinle, iroole/Beesha ciroole, 2024

Videos

Youtube | Vimeo | Bing

Websites

Google | Yahoo | Bing

Encyclopedia

Google | Yahoo | Bing

Facebook